Friday 18 April 2014

Muqdisho oo ey kabillaabatay howlgal lagu qabqabano dadaka sharci la'aanta kujoogo somalia

Ciidanka dowlada fedaraalka somalia oo muqdisho kawada howlgal lagu qabqabano dadaka sharci la'aan kujooga caasimada muqdisho
waxaa durba soobaxaya warar sheegaya iney qabteen dad udhashay kenya oo aan wax sharci ah heysanin waxeyna shegayaan in laga musaafurin doono dalka cidii aan sharci heysanin
ciidanka howsha wada ayaan lagaraneynin cida ku amartay howlgalkan

Monday 7 April 2014

GOCASHO waa gabay kahadlaya xaalada maalmahan kajirto nayrobi iyo guud ahaan dhibka heysta somalida

Gabyaa ma ihiye waxbaan gocanayaaye
Guubaabo iyo hadaadan helin gacan togaaleyn
Geesikastood aheyd waxbaa kaa gaasire'e
Gobanimo waa adoo gayigaaga ku gaardiyee

Gumeysi iyo guulgulna kama baxdid mar hadaad qaxooti tahaye
Gardarro iyo waxaad ehel u tahay kuwa aan gacal kuu galine

Gobna matihid intaad gacan shisheeye garaan kasugiye
Gun iyo waxaad gacanta u gashay gaal aan gudneyne

Ciil gaamuraybaan gocanayaaye gabyaa ma ihiye
Aan soo gabagabeeyo gabayga waxba yaanan xadhko goosanine

Gunaanadna aan uga dhigo
Soomaaliyeey u gurmada gambaleydaad gablamiseen iyo

Gabanadii go'doomee gaalada ugalay iyo
Guud ahaan
Gayigeenii kala googo'ayee guntu u tashatay

Guushana gaadha oo isgarabsada
Soomaaliyeey gacal baad tihiine.
by: weyrax yare

QOSOL IYO MAAD BY MOHAMED WEYRAH