Thursday 23 January 2014

Shaxaari marwalba waa qasaaro socoto

Maskiinkan maxaa kamaqan waayaabe caanihii wuxuu kuwaayay fíirinta gabadhaas yar kubkeeda
hadaba waxaa halkaa inooga baxay in ragu kasiman yahay damaaciga damiirkuna uu kuwada jiro taajir iyo faqiirba by mohamed weyrah

QOSOL IYO MAAD BY MOHAMED WEYRAH

Wednesday 22 January 2014

Wasiirada cusub ee somalia oo kitaabka quraanka ku dhaaranayn

Wasiirada cusub kitaabka quraanka ayey ku dhaaranayaan iney dalka iyo dadka daacad u ahaanayaan inkastoo quluubtooda uu Alle kaliya ogyahay hadana sida badanaa la arkay sida ey somalidu ugu dhaarato kitaabka uma fuliyaan dhaarta ilaahay haka dhigo kuwii fuliya dhaarta aamiin

----------
Sent from my Nokia phone

Thursday 9 January 2014

ILA MUUDSO CAASHAQA waa gabay uu Allifay Mohamed Weyrah

Maansada gabay wey macna badantee aan milicsado caashaqa

Mashruucii jaceylkaan
Dhax mushaaxay maantoo
Mahadho badan iyo
Murti maguuraanoo
Maskax la maamiyay
Kasoo maaxaneysaan
Adna kugu macsuumaye ila muudso caashaqa

Marwo sharafleh inaad tahay
maragbaan ka ahay ee
Mar'uun yaa mooro kula dagoo
Macaanka noloshiyo
Yaa kutusa caashaqoo
kula muudsada miidiisa

Maseyr iyo yaa kaa ilaaliya madax xanuun
Mashquulka dunidiyo yaa kaa masaxa murugoo idilkeed
Kusiiyana muxubo aan dhamaaneyn
Maal xalaal ah iyo yaa kugu masruufo muruqeygoo
Kugu maamula masxafkii Alle

----------
Sent from my Nokia phone

(ilamuudso caashaqa) waxaa tiriyay Mohamed weyrah

Maansada gabay wey macna badantee aan milicsado caashaqa

Mashruucii jaceylkaan
Dhax mushaaxay maantoo
Mahadho badan iyo
Murti maguuraanoo
Maskax la maamiyay
Kasoo maaxaneysaan
Adna kugu macsuumaye ila muudso caashaqa

Marwo sharafleh inaad tahay
maragbaan ka ahay ee
Mar'uun yaa mooro kula dagoo
Macaanka noloshiyo
Yaa kutusa caashaqoo
kula muudsada miidiisa

Maseyr iyo yaa kaa ilaaliya madax xanuun
Mashquulka dunidiyo yaa kaa masaxa murugoo idilkeed
Kusiiyana muxubo aan dhamaaneyn
Maal xalaal ah iyo yaa kugu masruufo muruqeygoo
Kugu maamula masxafkii Alle

----------
Sent from my Nokia phone