Thursday 9 January 2014

ILA MUUDSO CAASHAQA waa gabay uu Allifay Mohamed Weyrah

Maansada gabay wey macna badantee aan milicsado caashaqa

Mashruucii jaceylkaan
Dhax mushaaxay maantoo
Mahadho badan iyo
Murti maguuraanoo
Maskax la maamiyay
Kasoo maaxaneysaan
Adna kugu macsuumaye ila muudso caashaqa

Marwo sharafleh inaad tahay
maragbaan ka ahay ee
Mar'uun yaa mooro kula dagoo
Macaanka noloshiyo
Yaa kutusa caashaqoo
kula muudsada miidiisa

Maseyr iyo yaa kaa ilaaliya madax xanuun
Mashquulka dunidiyo yaa kaa masaxa murugoo idilkeed
Kusiiyana muxubo aan dhamaaneyn
Maal xalaal ah iyo yaa kugu masruufo muruqeygoo
Kugu maamula masxafkii Alle

----------
Sent from my Nokia phone

No comments:

Post a Comment