Monday 13 May 2013

Godol ama Gaax

Geela ayaa ah mid kaalin buuxda kaqaata nolosha ree miyiga hadey ahaan
laheyd caanaha, hilibka, iyo mararka qaar oo gaadiid laga dhigto
sidoo kale kuma eka miyiga oo kaliya dadka ayagu dagan magaalada xitaa
kama maarmaan cunista hilibka geela iyo waliba caanihiisa sida dad
badan ay qabaana caanaha geela waxaa la ogaaday iney caafimaad ahaan
ka fiican yihi caanaha kale ee laga helo xoolaha kale iyo kuwa
warshadaha lagu sameeyo
hadaba waxaa sawirkan uu ku tusayaa sida loo liso geela ayadoo horey
loogu heesay oo uu abwaan soomaaliyeed yiri "geelaa markuu dararan
yahay laba nin duugtaa" macnahana uu yahay hasha markey godlato in
lagu liso laba qof halka xoolaha kale ay lisaan hal ruux. Boga
dhaqanka by weyrah

3 comments:

  1. Geela waa laf-dhabarta dhaqaalaha soomaalida

    ReplyDelete
  2. Ragga laxaha sii dhowriyow dhaqasho waa geel

    ReplyDelete
  3. Geeluba naqdoogliyo nugaal waa ku dararaa

    ReplyDelete