Monday 3 June 2013

Sunday 2 June 2013

Astaanta soomaalida gaarka u ah iyo dhaqankeena

Marka laga hadlayo waxyaabaha soomaalida gaarka uleedahay ama lagu
aqoonsado waxaa laga yaabaa in badan oo soomaali ah ineysan aqoon.

Tusaale ahaan dalkasta ama qoomiyad kasta waxey leeyihiin
astaan/calaamad u gaar ah waxaana kamid ah
1- qariirad ama maab
2- calan
3 luuqad
4 kheyraadka ugaarka ah IWM

Hadaba waxaad kadheehan kartaan sawirkan intaas aan kor kusoo sheegnay
oo hal meel la isugu keenay

Astaamahan ayaa ah kuwa lagu aqoonsado dalka iyo dadka soomaaliya
runtiina ah kuwo laga dheehan karo waxyaabaha dhaqanka u ah
soomaalida. By weyrah

Friday 31 May 2013

Isticmaalka dhiilaha iyo muhiimadooda.

Diil waa shey muhiimad gaar ah leh xaga miyiga waxaa laga sameeyaa ama
laga qoraa geedaha waaweyn ee miyiga kabaxa.

Waxaa loo isticmaalaa caanaha xoolaha oo siyaabo kala duwan loogu
keydsado ama loogu qaado.

Marka laga eego dhaqan ahaan soomaalida waxey qiima gaar ah siiyaan
isticmaalka alaabaha laga qoro dhirta ayadoo aad ku arkeyso
magaalooyinka waaweyn meel lagu iibiyo ama lagu xayeesiyo alaabta ree
miyiga.

Hadaba waxaa muhimad gaar ah iskaleh barasha dhaqankeena oo ah kan ugu
wanaagsan caalamka. By weyrah

Tuesday 28 May 2013

Daawashada musalsalka kabaxa TV yada afsoomaaliga ku hadla oo dhib keenay

Waxaa waayadan dambe aad loogu daatay daawashada kanaalada
afsoomaaliga kubaxa ee laga isticmaalo aalada satalaytka
hadaba waxaa ugu xiiso badan oo waliba xamaasad weyn kadhex kicisay
qoysas farabadan oo ku sugan meelo badan dunida kamid ah
honcable TV ayaa waxaa si joogto ah looga daawadaa filin musalsal ah
kuna turjuban afka soomaaliga oo ey ku taxan yihin soomaali fara badan
inta badan ey gabdho dhalinyaro iyo xaasasba ah
musalsan ayaa wuxuu soogalaa 9:00 pm ee bariga africa waxaa marar
badan la arkay qeylo kadhalatay qoysas aad isu jeclaa kadibna ku
kalatagay filinkaas dartii. By weyrah

Monday 20 May 2013

Maxaad kala socotaa sida loo isticmaalo gaadiidka miyiga

Maxaad kala socotaa sida loo isticmaalo gaadiidka miyiga
waxaa inta badan miyiga ka jirta biyo la'aan taasoo reer guuraagu ey
biyaha u doontaan masaafo aad u fog ayadoona ey u isticmaalaan gaadiid
ahaan awrta iyo dameeraha
sidoo kale xoolaha ayaa laga waraabiyaa ama loo arooriyaa masaafo fog
oo mararka qaar laga yaabo iney u sii dhaxaan habeen iyo labo habeen.
Kabaro bogan dhaqanka reer guuraaga by: weyrah

Wednesday 15 May 2013

Dhaantada oo kaalinta koowaad kaga jirto ciyaar dhaqameedka soomaalida

Dhaantada oo kaalinta koowaad kaga jirto ciyaar dhaqameedka soomaalida
Dhaantada waxey kamid tahay ciyaar dhaqameedka ugu caansan ee
soomaalida waxaa kaqeyb qaata wiilal iyo gabdhaba ayadoo ey ku
haasaawaan dhalinyarada
hadaba maadaama ey jiraan ciyaar dhaqameedyo kale oo ey soomaalida
leeyihiin ayaa hadana waxaad moodaa iney si gaar ah xiiso u leedahay
dhaantada. By weyrah

Monday 13 May 2013

Godol ama Gaax

Geela ayaa ah mid kaalin buuxda kaqaata nolosha ree miyiga hadey ahaan
laheyd caanaha, hilibka, iyo mararka qaar oo gaadiid laga dhigto
sidoo kale kuma eka miyiga oo kaliya dadka ayagu dagan magaalada xitaa
kama maarmaan cunista hilibka geela iyo waliba caanihiisa sida dad
badan ay qabaana caanaha geela waxaa la ogaaday iney caafimaad ahaan
ka fiican yihi caanaha kale ee laga helo xoolaha kale iyo kuwa
warshadaha lagu sameeyo
hadaba waxaa sawirkan uu ku tusayaa sida loo liso geela ayadoo horey
loogu heesay oo uu abwaan soomaaliyeed yiri "geelaa markuu dararan
yahay laba nin duugtaa" macnahana uu yahay hasha markey godlato in
lagu liso laba qof halka xoolaha kale ay lisaan hal ruux. Boga
dhaqanka by weyrah

Sunday 12 May 2013

Waa maxay Aqal Soomali?

Aqal soomali markaad maqasho waxaa kugu soo dhaceysa meel ama guri
lagu hoydo islamarakaana laga isticmaalo meelaha miyiga ah ama
baadiyaha
hadaba aqal soomaaliga ama aqal hooriga wuxuu khaas u yahay bulshada
soomaliyeed gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah waxeyna ka sameyaan
dhirta kabaxda wadankeena sida
Cowska
dhista
xarkaha
maqaarka xoolaha
udbaha ama tiirar
iyo qaar kale oo badan. By weyrah

Registration

Reggister